Liverpool Oo Final-ka Champion-ka Iska Xaadrisay , Villa Real Ayay Ciqaabeen

Sheekada Ciyaarta : Qeybta 1-aad Liverpool  waa looga sareeyay maamulka waxaana nasiinada loogu diray laba gool oo nadiif ah

Liverpool qeybtaas hore waxaa laga haystay qadka dhexe waxaana lagu dilay kubad deg degsiimo

Goolasha Villa Real waxa ay kala yimaadeen daqiiqadihii 3-aad iyo 41-aad waxa ayna Villa Real soo bandhigeen kubad kalsooni leh.

Maamulka Villa Real waxa ay mararka qaar gaarayeen %53 , waxa ay kooxda.com xuseysaa in Salah qeybtaas hore ku soo muuqan bandhig wacan

Soo laabashadii , is badel ayaa yimid Liverpool cadaadis ayay ku soo galeen waxa ayna horay u soo giliyeen Luis Diaz oo loo saaray Jota , waxaana kooxda reer Spain ay galeen  daafac .

Liverpool kubadda iyaga ayaa ku sareeyay  waliba halis ayay ahaayeen oo kubadda waa ay gaarsiinayeen aagga goosha Villa Real xilli birtana ay diiday .

Dadaalkii Liverpool waxaa ku yimid gool uu dhaliyay Fabinho daqiiqadii 62-aad waxaana baasay Salah , xaalka waa xumaaday Villa real-na daafac ayay galeen ilaa lagu keenay gool labaad waxaana dhaliyay Diaz daqiqiadii 67-aad

Villa Real waa is dhiibeen , weerar ma jirin daafac ma jirrin ilaa lagu keenay gool sedexaad oo qaladkiisa lahaa goolhayaha waxaana ka boobay Mane kaasi oo gool cajiib ah dhaliyay daqiiqadii 74-aad.

Wax laga qoro ma jirrin ciyaarta waayo Liverpool ayaa si waliba u maamuleysay kubadda waliba goolal dheeraad ah ayay halis ugu jireen .

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 3/2  xilli guud ahaan natiijada labada kulan ay isku noqotay 5/2 .