Liverpool Oo Doonaysa Xiddig Khadka Dhexe Uga Ciyaara Juventus.

Liverpool FC ayaa sii wada dadaalkeeda ay ku xoojinayso kooxdeeda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo si guul ah u dhamaystirtay saxiixyo dhawr ah ilaa haatan, kuwaas oo uu ugu dambeeyay saxiixa weeraryahan Hugo Ekitike oo ay kala soo wareegeen Eintracht Frankfurt si ay ugu diyaar garoobaan bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay CaughtOffside, Liverpool ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Douglas Luiz, kaasoo u ciyaara Juventus, xilli ay xiiseynayaan kooxaha kale ee England, gaar ahaan Everton iyo West Ham.

Wargayska ayaa xusay in Luiz aanu ka qayb galin tababarkii Juventus khamiistii la soo dhaafay waxana la filayaa in uu wajihi doono talaabo anshax marin ah sabab la xiriirta maqnaanshihiisa bilaa fasaxa ah taas oo kordhinaysa suurtogalnimada bixitaankiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee haatan socda.

27-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah la qaatay Aston Villa ka hor inta uusan u dhaqaaqin Juventus, isagoo ka qeyb qaatay sagaal gool xilli ciyaareedkii 2023/24 Premier League, islamarkaana ka caawiyay kooxda inay u soo baxdo Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga