Liverpool Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Xiddig Laf Dhaba U Ah Kooxda Klopp.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Fabinho.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa 111 kulan u saftay Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2018 waxana uu laf dhabar u noqday kooxda.

Fabinho ayay 2 sano uga hadhsanyihiin heshiiskiisa Anfield laakiin saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay Fabinho ka saxiixa heshiis cusub kadib markii ay Virgil Van Dijk ka saxiixato heshiis cusub.

Klopp ayaa jecel xiddiga Fabinho waxana uu doonayaa in uu xiddiga la sii shaqeeyo halka uu Fabinho ku faraxsanyahay kooxda Liverpool waliba diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda.

Fabinho ayaa xilli ciyaareedkan kooxda Liverpool uga ciyaaray daafaca dhexe inta badan ee xilli ciyaareedkan kadib masiibadii dhaawac ee ku habsatay daafacyada kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*