Liverpool Oo Doonaysa In Ay Heshiis 5 Sano Ah Ka Saxiixato Xiddig Kooxdeeda Ah.

Kooxda Liverpool ayaa go’aan ku gaadhay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga kooxdeeda ah kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay.

Sida laga soo xigtay shabakada Goal.com kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u go’aansatay in ay wadahadalo la furto xiddiga khadka dhexe ee Fabinho si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga reer Brazil.

Fabinho ayaa laf dhabar ka noqday kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo haatana si cajiib ah u buuxiyay booska uu ka dhaawacmay Virgil Van Dijk ka hor intii uuna isna dhaawacmin.

Hehsiiska Fabinho ee haatan ayaa dhici doona xagaaga 2023 laakiin Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis cusub oo laba sano oo kale ah ka saxiixato si ay kooxda ugu sii hayso xiddiga ilaa xagaaga 2025.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*