Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Ka Gudbinaysay Ousmane Dembele

Liverpool ayaa haatanba diyaarineysa dalab ay ku dooneyso weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 24 jirka ah ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda Barcelona taas oo la macno ah in ay kooxdu ku qasbantahay in ay iska iibiso wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man City iyo Man Unted ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga laakiin Liverpool ayaa haatan u muuqata kuwo hogaaminaya baacsiga xiddiga.

Sida laga soo xigtay TEAMtalk, Liverpool ayaa haatanba diyaarinaysa dalabkii ugu horeeyay ee ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga reer France.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiis hordhac ah la gaadhi doonto xiddiga Dembele si ay qaab xor ah ula wareegaan xiddiga xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*