Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbinayso Xiddig U Ciyaara Real Madrid.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay la soo wareegto Toni Kroos marka la gaadho suuqa kala iibsig xagaaga iyaga oo diyaarinaya dalab 25 milyan ah.

Xiddiga 32 jirka ah ayay 18 bilood uga hadhay heshiiskiisa kooxda Real Madrid waxana uu dhawaan sheegay in uu doonayo in uu ciyaaraha ku dhamaysto Real Madrid.

Kroos ayaa muhiim ka ah Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo saftay 21 kulan isla markaas dhaliyay 3 gool 3 kalena caawiye ka noqday.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Nacional, Real Madrid ayaan weli wadahadal la furin Kroos si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga oo xiiso ka helaya kooxda Liverpool.

Wararka ayaa sheegaya in uu Klopp doonaya in uu la shaqeeyo Xiddiga ay isku dalka yihiin waliba premier League keeno xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*