Liverpool Oo Dib U Soo Cusboonaysiisay Xiisihii Ay U Qabtay Nabil Fekir

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga Nabil Fekir xilli ay Real Betis diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaaga.

Xiddiga reer France ayaa ku dhibaatooday La Liga tan ilaa markii uu ku soo biiray isaga oo 10 gool u dhaliyay 57 kulan oo uu ciyaaray tan ilaa bishii July 2019.

Kooxda Liverpool ayaa xagaagii 2018 ku dhawaatay saxiixa xiddiga ka hor inta ayna ka bixin heshiskii ay ku doonaysay xiddiga 27 jirka ah sabab la xidhiidha dhaawac ku soo baxay xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Liverpool dib u cusboonaysiinayso xiisaha ay u qabtay xiddiga xilli ay Real Betis diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*