Liverpool Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah Maalmo Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub

Xiddiga reer Scotland Andrew Robertson ayaa dhaawac xun uu soo gaaray kulankii Liverpool ay la ciyaartay Athletic Bilbao, kaasoo haatan ka socda Anfield Road.

Xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ayaa dhaawacmay daqiiqadii 42-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu kubad kula loolamay xiddiga kooxda Athletico Bilbao ee Pringle.

Xiddiga ayaa la kulmay daawayn isaga oo garoonka ku jira ka hor intii uuna ka bixin garoonka isaga oo dhutinaya waliba sii wadan kari waayay ciyaarta.

Andy Robertson ayaa ka baxay kulanka kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta arintaas oo dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool maalmo ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

1 Comment

  1. Qof Pringle layiraado ciyaarta kuma jiro balse dhaawaca Robetson waa farxadeena hadaanu nahay taageere United’ Anaga dad qosla manihin” sanadkaane Horyaalka Halkaas haleeska dhigo_ beentey ma’ahan Ee Wa runtey _ fikrad kle ayaa Igu sodhacday” Chambionkane Halkaas Iska dhiga” đź–¤

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*