Liverpool Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah Kulankii West Brom.

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay dhirbaaxo kale oo dhaawac ah kadib markii uu ka dhaawacmay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Joel Matip qaybtii dambe ee ciyaartii ay Liverpool bar-baraha la gashay kooxda West Brom.

Daafaca Joel Matip ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay caqawga isaga oo daqiiqadii 59-aad dalbaday in la badalo kadib markii uu dhaawacmay.

Xiddiga Jeol Matip ayaa iska dhaawacmay iyada oo ayna cidna u dhawayn taas oo keentay in uu dalbado in la badalo iyada oo lagu badalay xiddiga R.Williams.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool iyada oo la filayo in uu seego kulanka Newcastle ee Arbaca kana tirsan horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*