Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Jamal Lewis & Jawaabta Ay Heshay.

Kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 10 milyan oo euro ka gudbisay xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Norwich City ee  Jamal Lewis sida ay sheegayaan wararku.

Reds ayaa xiddiga Jamal Lewis u doonaysa in ay la tartansiiso xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Andy Robertson kaas oo ah xiddig aan haysan badal toos ah.

Reds ayaa kooxda ka hadhay prmeier League ee Norwich City miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 10 milyan oo euro iyo waliba in ay ku xidho heshiiskiisa shardi Norwich City ku helayso lacag fiican hadii ay Liverpool dib u iibiso mustaqbalka.

Laakiin Norwich Cit ayaa si deg-deg ah u diiday dalabkaas iyada oo Liverpool u sheegtay in ay laba jibaarto dalabka ay ka soo gudbisay xiddiga Jamal Lewis.

Jamal Lewis ayaa la sheegayaa in uu ku faraxsanyahay in uu ku biiro Liverpool hadii ay Norwich City ogolaato dalabka Reds.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*