Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Daafac Ay Ku Xoojinayso Kooxda.

Kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay daafaca dhexe ee kooxda Lille ee Sven Botman kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca.

Wararka maanta oo Axad ah soo baxaya ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool wadahadalo kula jirto kooxda Lille si ay u hesho daafaca dhexe.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Dalab dhan 15 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga 20 jirka ah si ay u helaan suuqa January.

Kooxda Liverpool ayaa Sven Botman doonaysa in ay ku buuxiso booska Van Dijk kaas oo dhaawac uga maqnaan doona kooxda bilaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*