Liverpool Oo Dagsatay Qorshe Ay Luis Suarez Dib Ugu Soo Celinayso Anfield.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay dib ula soo saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid Luis Suarez marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

34 jirkaan ayaa si xor ah ugu soo biiray Atletico bishii September ee la soo dhaafay ka dib markii ay Barcelona iska fasaxday xiddiga Uruguay waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo 19 gool u dhaliyay Atletico Madrid 25 kulan oo uu ciyaaray horyaalka La Liga.

Heshiiska Suarez ee Atletico madrid ayaa dhici doona xagaaga 2022 laakiin wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ku rajo weyntahay in ay xiddiga ku soo celiso Anfield ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in uu tababare Jurgen Klopp doonayo weeraryahan cusub iyada oo uu iska iibin doono xiddigaha Divock Origi & Xherdan Shaqiri kadib markii ay qaab ciyaareed xun soo bandhigeen.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab ay ka gudbiso xiddiga Suarez oo kooxda u dhaliyay 82 gool 133 kulan oo uu u ciyaaray kooxda intii u dhexaysay 2011 iyo 2014.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*