Liverpool Oo Chelsea Kula Biirtay Xiddig Ciyaaray Final-kii Champions League

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxdii ugu dambeysay ee gashay tartanka loogu jiro weeraryahanka Borussia Dortmund Karim Adeyemi.

Waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu orodka badan Horyaalka Bundesliga waxana uu muhiim ka noqday Dortmund tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray 2 sano ka hor.

Wadar ahaan 14 gool iyo siddeed caawin ayuu la yimid 14 gool ayuu la yimid 66 kulan tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Deutschland, Liverpool ayaa diyaar u ah inay kula tartanto kooxo dhowr ah saxiixa xiddiga da’yarka ee reer Germany.

Dortmund ayaa la sheegay inay u furan tahay inay iska iibiso xiddiga iyada oo ku qiimaysa lacag dhan 30 milyan oo euro.

Liverpool ayaan wali wax saxiix weyn ah samayn iyada oo Slot diirada saarayo in uu heshiis cusub ka saxiixdo Trent Alexander Arnold, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga