Liverpool Oo Calaamadsatay Badalka Mohamed Salah

Kooxda Liverpool ayaa bartilmaameedsatay garabka Michael Olise ee Bayern Munich si uu u noqdo beddelka weeraryahanka ka tegaya ee Mohamed Salah.

Salah ayaa la filayaa inuu ka tago Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkan. Xiddiga reer Masar ayaa horey u shaaciyay go’aankiisa Talaadadii.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Olise ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay Liverpool dooneyso inay ku beddesho Salah garoonka Anfield.

Liverpool waxay wajihi doontaa tartan adag si ay ula soo wareegto Olise xagaagan, maadaama kooxda ku guuleysatay Bundesliga ay ku adkeysaneyso in xiddigooda aan la iibin.

Olise ayaa si fiican u ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray Bayern Munich isagoo ka yimid Crystal Palace labo sano ka hor.

Xiddiga reer Faransiiska ayaa ka caawiyay kooxda uu hoggaamiyo Vincent Kompany inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga