Liverpool Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Xun Oo Ay 20 Sano Ka Hor Ka Dhigtay Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa premier League todobaadkii 19-aad ee horyaalka.

Kooxda Liverpool ayaa kadib guuldaradaas boodhka ka jafatay rikoodh ay 20 sano ka hor Premier League ka dhigtay.

Reds ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Burnley iyaga oo mar kale ku fashilmay in ay wax gool ah ka dhaliyaan Premier League.

Kadib guuldaradaas Liverpool ayaa kulankii 4-aad oo xidhiidh ah ku fashilantay in ay gool ka dhaliso kulan horyaalka premier League ah.

Kooxda Liverpool ayaa 4 kulan oo xidhiidh ah bilaa gool ah premier League markii ugu horaysay tan ilaa bishii May sanadkii 2000 markaas oo ay bilaa gool noqdeen 4 kulan premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*