Liverpool Oo Bilaabaysa Wadahadalo Heshiis Kordhin Ah Si Ay Heshiis Cusub Uga Saxiixato Mohamed Salah

Kooxda Liverpool ayaa dooneysa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjarto wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddiga Mohamed Salah.

Heshiiska Mohamed Salah ee haatan ayaa la filayaa in uu dhamaado xagaaga 2023 ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda.

Salah ayaa sababay shaki ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool, ka dib markii uu wareysi la yeeshay wargeyska “AS” bishii December ee la soo dhaafay isaga oo Albaabka u furay in uu ka tago kooxda.

Salah ayaa ka dhawaajiyay, intii uu ku guda jiray wadahadalkiisa, suurtagalnimada inuu u dhaqaaqo Horyaalka Spain marka loo eego in marar badan lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Wargayska Sunday World ayaa sheegaya in ay Liverpool isku diyaarinayo in ay wadahadalo la furto Mohamed Salah si ay u hubiso mustaqbalkiisa meeshana uga saarto shakiga ku jira.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*