Liverpool Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Brighton & VAR Oo Ka Hiiliyay Reds.

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro la gashay kooxda Brighton kulan ka tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka Premier League iyaga oo si ku meel gaadh ah ula wareegay hogaanka Premier League.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag labada kooxood xilli ay Brighton iska caabin xoogan kala hor tagtay kooxda Liverpool.

Kooxda Brighton aya fursad weyn u heshay in ay hogaanka u qabato ciyaarta kadib markii ay daqiiqadii 19-aad heleen Rikoodhe uu galay da’yarka Neco Williams.

Daqiqiadii 20-aad ayuu xiddiga Neal Maupay u istaagay in uu laado rikoodhada laakiin xiddiga Neal Maupay ayaa is lama filaan ah isaga khasaariyay rikoodhada iyada oo ciyaartu sii ahayd 0/0.

Kooxda Liverpool ayaa sii waday maamulista ciyaarta laakiin Brighton ayaa iska caabin kala hor timid iyaga oo u diiday in ay wax gool ah dhaliyaan.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah laakiin Goolkaas ayaa la diiday maadama uu Suulka Salah ku jiray Offside.

Waxa ciyaartu sidaas ku sii ahaatay bar-baro iyada oo ay Liverpool wali ku dhibaatoonayso inkasta oo ay maamulaysay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin wax gool ahna aan la kala dhalin.

Qaybtii dambe:

Kooxda Liverpool ayaa qaybtii dambe sii waday dadaalada ay ku doonayeen gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan waxna uga badalaan.

Weerarada Liverpool ayaa laakiin dhaafi waayay daafac adag oo ay Brighton hor dhigtay goolkeeda kuna doonaysay in ay dhibic kala baxdo kulanka ugu yaraan.

Liverpool ayaa daqiiqadii 60-aad heshay wixii ay doonaysay iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Liverpool ayaa mar kale dhalisay gool kale daqiiqadii 84-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Sadio Mane laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Kooxda Brighton ayaa daqiiqadii 90+3 dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu rikoodhe u dhigay xiddiga Pascal Gross kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Brighton

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*