Liverpool Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Burnley Kulan Reds Fursado Badan Iska Khasaarisay

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Burnley kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 35-aad horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Reds sidii la filayay ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal wakhti hore ah xilli ay Burnley kulanka u soo gashay daafac adag.

Reds ayaa sida biyaha u heshay fursado wakhti hore ah iyaga xiddigaha Salah, Firmino iyo walibaa sadio Mane heleen fursado badna oo cajiib ah laakiin Goolhayaha Burnley ayaa mucjiso ku noqday waliba sameeyay badbaadino aan la aamini karin.

Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda si weyn marar badna halis loo galiyay goolkeeda iyada oo kooxda Burnley samaysay fursado ay goolal kaga dhalin gaadhay kooxda Tababare Klopp.

Kadib isku day badan iyo raadin badan Liverpool ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Andrew Robertson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Burnley ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta halis galisay Liveprool kadib markii ay xiddigaha Liverpool u muuqdeen kuwo ka seexday dhanka daafaca Goolhaye Alisson ayaana sameeyay badbaadino yar.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool 1/0 ku hogaaminayso laakiin dhalin kartay goolal intaa ka badan marka loo eego qaab ciyaareedkooda.

Liverpool ayaa sii waday dadaalka qaybtii dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gooal kale dhanka kale Burnley ayaa samaynaysay fursado cajiib ah.

Reds oo sii waday daalka ayaa ku dhawaatay in ay dhaliso gool laakiin kubad uu Roberto Firmino laaday oo xitaa dhaaftay Goolhayaha ayaa ku dhacday birta.

Xiddigaha Mohamed Salah Iyo Sadi Mane ayaa dhankooda helay fursado fiican laakiin waxa u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan.

Kooxda Burnley ayaa daqiiqadii 69-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jay Rodriguez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Liverpool ayaa Burnley saartay cadaadis aan caadi ahayn iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn laakiin Burnley iyo Goolhayeheeda ayaa si cajiib ah u difaacday.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool la kulantay bar-baro niyad jab leh inkasta oo ay dhalin kartay Goolal ka badan hal gool ee ay dhalisay.

Sii Akhriso: Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada Somalia Oo Lagu Soo Hadal Qaaday Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*