Liverpool Oo Bar-bar Dhac Kala Soo Laabatay Goodison Park, Rikoorkii Wacnaa Ee Garoonkaas Waa Ay Sii Wataan

Liverpool ayaa bar bar dhac min laba gool ah kala soo laabatay qalcadda Goodison Park  xilli Everton dhamaadkiii kaarka cas laga qaatay

Sheekada labaad qeyb : Kooxaha Everton iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli ciyaarta aheyd mid xamaasad gaar ah leh waxaana goolka ku horeysay kooxda Liverpool

Liverpool waxa ay soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh , waxa ayna si fog ugu siqayeen dhanka goosha Everton xilli goolka oo ku yimid qaab deg deg ah waxaa daqiiqadii 3-aad dhaliyay Mane ka dib kubad uu ka shaqeeyay Robertson .

Everton waxa ay soo bandhigeen kubad deggan waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah halka daafac ahaan ay wacnaayeen , waxaana Liverpool biloowgii qeybtaas hore ka dhaawacmay Van Dijk kaasi oo daqiiqadii 11-aad lagu badalay Joseph Gomez .

Everton dhowr jeer ayay sigeen shabaqa Liverpool waxaana fursado xaqiiq ah ay heleen bad baadiyay goolhayaha xilli sidoo kale goolhayaha Everton isna uu marar badan is hor taagay weerarka saaxibada Salah .

Liverpool qeybtaas hore kaliya dhameystirka ayaa ka maqnaa iyaga ayaana ahaa dhankii wacnaaa xilli Everton oo taxadar ku jirtay laga filan karay wax waliba marka la isku soo laabto.

Liverpool biloowgii iyaga ayaa maamulayay kubadda waliba u dhawaa gool xilli Everton iyana ay ku dhirranayeen in Liverpool ku halis giliyaan kubadaha rogaal celiska ah .

Everton mararka qaar cadaadis saarayeen Liverpool balse goolhayahooda ayaa foojignaa oo is hor taagayay iskud ay waliba oo lagu sameeyo

Marka la eego , hanaanka ciyaarta labada koox waa laga filan karay goolal waxa ayna qeybtaa labaad Everton u muuqdeen kuwo ka wacan Liverpool

Dadaalkii Liverpool waxa ay ku keeneen gool oo meel fog si cajiib ah uga toogtay Salah daqiiqadii 72-aad, waxa ayna Everton ka dib dhacadaas sameeyeenn isku dayo kala duwan waxa ayna ciyaarta aheyd mid furan xilli goolhayaha Everton daqiiqadii 78-aad uu bad baadiyay shabaqiisa

Liverpool daqiiqadii 78-aad waxa ay sameeyeen badalkii labaad iyaga oo saaray Roberto Firmino waxa ayna ku badaleen Diogo Jota xilli wiilasha Klopp lagu dilayay kubadaha rogaal celiska ah

James Rodrigez waxa uu ahaa askariga qarsoon ee Evereton , waxa uuna wax ka soo dhisay goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqadii 81-aad si cajiib ah madaxa ugu dhaliyay Dominic Calvert-Lewin waxaana Everton daqiiqadii 90-aad kaarka cas laga siiyay Richarlison , waxa uuna Klopp daqiiqadii 90-aad soo giliyay Georginio Wijnaldum oo loo saaray Fabinho waxaana Liverpool laga diiday gool sabab lagu sheegay Offside waxaana lagu dhameystay min laab gool

Sii Akhriso:Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*