Liverpool Oo Badalka Virgil Van Dijk Ka Heshay Horyaalka Serie A-da.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool doonayso saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar si ay ugu buuxiyaan booska Virgil Van Dijk kaas oo dhaawac ku maqnaan doona muddo dheer.

Xiddiga Milan Skriniar oo 25 jir ah ayuu heshiiskiisa Inter Milan dhici doonaa xagaaga 2023 waxana uu iska diiday heshiis cusub.

Arintaas ayaa heegan buuxa galisay kooxda Liverpool kuwaas oo sidoo kale tartan kala kulaya kooxda Tottenham oo daafaca doonaysay ilaa xagaagii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*