Liverpool Oo Badalka Sadio Mane Ka Doonaysa Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele kaas oo ay u doonayso badalka xiddiga Sadio Mane ee suuqa xagaaga.

Mustaqbalka Mane ee Liverpool ayuu shaki weyn ku jiraa xagaaa xilli uu ku dhibaatoonayo qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in ay kooxdu iska iibiso xagaaga.

Jurgen Klopp ayaana la sheegayaa in uu calaamadsaday xiddig heer caalami ah si uu ugu badalo Sadio mane wargayska Fichajes ayaana sheegaya in uu xiddigaas yahay xiddiga kooxda Barcelona ee Dembele.

Xiddigii hore ee Borussia Dortmund aaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Barcelona waxana uu heshiiskiisa kooxdu dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa xiddiga 23 jirka ah doonaysa in ay iska iibiso ka hor inta uuna si xor ah uga tagin oo ayna wax lacag ah ku helin bixitaankiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*