Liverpool Oo Badalka Mohamed Salah Ka Arkootay Kooxda Roma, Waa Xiddig U Soo Ciyaaray Chelsea.

Mohamed Salah ayaa waqti xun ku qaatay Chelsea ka hor inta uusan xirfadiisa ciyaareed dib ugu soo noolayn kooxda Roma kadibna ka mid noqon xiddigaha ugu fiican adduunka markii uu ku soo biiray Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa si gaar ah ula socota xiddig kale oo ku fashilmay chelsea laakiin ilaa haatan wacdaro ka dhigaya kooxda Roma.

Xiddigaas ayaa ah Tammy Abraham kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Roma ilaa haatan tan ilaa markii uu ku biiray kooxda suuqii xagaaga.

Tammy Abraham ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Chelsea waxana uu xagaagii go’aansaday in uu isaga tago kooxda isaga oo ku biiray kooxda Roma.

Liverpool ayaa haatan isha ku haysa xaalka Tammy Abraham iyaga oo u doonaya badalka Mohamed Salah kaas oo ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*