Liverpool Oo Badalka Darwin Nunez Ka Heshay Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa nolosha ka dambaysa xiddiga Darwin Nunez kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Ac Milan ayaa ku dhaw saxiixa Nunez iyada oo xiddiga reer Uruguay uu isaga bixi karo Anfield suuqa January.

Hadii ay Liverpool iska iibiso Nunez waxa ay badalkiisa u calaamadsatay xiddiga kooxda Ipswich Town ee Liam Delap.

Slot ayaa xiddiga Liam Delap u arka xiddiga ugu fiican ee buuxin kara booska Nunez qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxaha Arsenal, Man United iyo chelsea kuwaas oo sidoo kale doonaya saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga