Liverpool Oo Arsenal U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain u ogolaato in uu dib ugu laabto Arsenal laakiin Reds ayaa dalbanaysa lacag dhan 35 milyan oo ah lacagtii ay ka bixisay xiddiga.

Gunners ayaa doonaysa in ay dib ula soo saxiixato xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ka baxay qorshaha Tababare Klopp bilihii ugu dambeeyay.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa 7 sano ku qaatay Arsenal ka hor intii uuna 35 milyan ugu soo biirin Liverpool sanadkii 2017, Mikel Arteta ayaana doonaya xiddiga in uu dib ugula midoobo Emirates.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ayna Liverpool xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain ka hor istaagi doonin in uu ku biiro kuna laabto Arsenal laakiin waa in ay marka hore hesho lacagtii ay ka soo bixisay saxiixiisa.

Xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dhankiisa la sheegayaa in uu u furanyahay in uu isaga tago kooxda Liverpool kuna laabto kooxdiisii hore ee Arsenal suuqa Janaury ama xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*