Liverpool Oo 4 Bilood Waayi Doonta Xiddigaha Salah & Mane, Maxay Tahay Sababtu?

Kooxda Liveprool & Jurgen Klopp ayaa wajahaya dhibaato weyn iyaga oo waayi kara xiddigaha Sadio Mane iyo Mohamed Salah muddo dheer oo gaadhaysa muddo 4 bilood ah.

Iyada oo tartanka Koobka qaarada Africa la qaban doono bisha January 2021 Liverpool ayaa waayi karta xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane, Joel Matip iyo Naby Keita.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Liverpool wajahayso in ay bilo waydo xiddigaha ka soo jeeda qarada Africa bilowga sanadka dambe.

Waxa intaas sii dheer in ay Liverpool waayi karto Mohamed Salah muddo 4 bilood ah sabab la xidhiidha in uu dalkiisa Masar doonayo in uu kala qayb qaato tartanka ciyaaraha Olympic Games Kuwaas oo la filayo in la ciyaaro sanadka 2021 kadib markii dib loo dhigay tartanka oo la ciyaari lahaa sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*