Liverpool Ogolaansho Loo Siiyay In Ay Dhamaystirto Saxiixa David Alaba.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba u calaamadsatay bartilmaameedka 1-aad ee kooxda.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa fure ka noqday kooxda Bayern Munich ee 3 koob ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore waxana uu heshiiskiisa kooxdu dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sida ay haatan wax yihiin xiddiga Alaba ayaa wadahadalo la furi kara kooxaha kale bisha January isaga oo xor uga tagi kara kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man United, Chelsea, Juventus Iyo Barcelona ayaana lala xidhiidhinayay xiddiga reer Austria.

Laakiin wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan Alaba ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad waliba ogolaansho u heshay in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa suuqa Janury.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*