Liverpool Mise Real Madrid? Ronaldinho Oo Kashifay Kooxda Uu Taageerayo Final-ka Champions League & Sababta.

Halyeeyga Kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa shaaca ka qaaday inuu ku taageerayo Liverpool inay garaacdo Real Madrid finalka UEFA Champions League bishaan.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa isku haleeli doona finalka Champions League ee magaalada Paris 28ka May.

Los Blancos ayaa dooneysa inay ku guuleysato tartanka markii 14-aad, halka kooxda Premier League ay ku guuleysatay markii 7-aad.

Isaga oo ka hadlaya kulanka adag ee labada kooxood dhexmari doona Ronaldinho ayaa sheegay qadarinta uu u hayo labada kooxood laakiin waxa uu sheegay in uu taageeri doono Liverpool maadama uu Halyeey u yahay kooxda Barcelona.

“Laba kooxood oo waa weyn. Waxay haystaan ​​ciyaartoy aad u wanaagsan. Waxaan u rajeynayaa wanaag. Real Madrid aad ayay u fiican tahay. Laakiin maadama aan jecelahay Barcelona waxa aan doonayaa in ay Liverpool ku guulaysato champions League”ayuu u sheegay RMC.

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa isaga hor iman doona Final-kii labaad kadib markii ay horay ugu kulmeen Final-ka champions league sanadkii 2018.