Liverpool Mise Real Madrid? Kooxda Uu Kylian Mbappe Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday.

Saxafiga caanka ah ee Duncan Castles ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu xiddiga Kylian Mbappe doonayo in uu ku biiro hadii uu ka tago kooxda PSG xilli lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool iyo PSG.

Duncan Castles Ayaa sheegay in uu xiddiga Kylian Mbappe doorbidayo in uu ku biiro kooxda Liverpool marka loo bar-bar dhigo Real Madrid suuqa xagaaga hadii uu isaga tagayo kooxda PSG.

Kooxaha Liverpool & Real Madrid ayaa xiso u qaba saxiixa xiddiga reer France kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda reer France marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Duncan Castles oo la hadlaya Transfer Window ayuu yidhi” Kylian Mbappe waxa uu jecelyahay kooxda Liverpool sidoo kale waxa uu jecelyahay premier League iyo waliba tababare Jurgen Klopp”.

“Anigu ma lihi waa dookhiisa 1-aad laakiin waxa aan hubaa in uu Astiisa u sheegay in uu jecelyahay u ciyaarista Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*