Liverpool Mise Man United? Jadon Sancho Oo Doortay Kooxda Uu Kaga Biirayo Premier League.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu doorbidayo in uu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiri lahaa Man United sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany

20 jirkan ayaa bartilmaameed u ah laakiin Borussia Dortmund ayaa dalbanaysa lacag dhan 120 milyan oo euro

Tan ilaa markii uu ka tagay Man City kuna biiray Dortund sancho ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Bundesliga isaga oo dhaliyay 34 gool 43 kalena caawiye ka noqday 99 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga reer England ayaa xiiso kal helaya kooxo waaweyn oo reer yurub ah kana mid yihiin Man United, Liverpool PSG iyo Real Madrid.

Laakiin wargayska Kicker ayaa sheegaya in uu Sancho doorbidayo in uu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiri laha Man United sabab la xidhiidha in uu rumaysanyahay in ay Liverpool koobab ku guulaysan doonto marka loo bar-bar dhigo United.

Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*