Liverpool Mise Man Uited? Ayaa Goolal Badan Tartamada Oo Dhan Xilli Ciyaareedkan Saddexleyda Weerarka Labada Kooxood.

Saddexleyda Man United weerarka uga ciyaara ayaa xilli ciyaareedkan ka goolal badan saddexleyda weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool tartamada oo dhan.

Xiddigaha Man United ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaliyay goolal badan kooxdoodana ku hogaamiyay goolal badan tartamada oo dhan.

Xiddigaha weerarka uga ciyaara Liverpool ayaa si weyn loo hadal hayay 2-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay laakiin waxa ay u muuqataa in booskaas laga qaadayo.

Xiddigaha Martail, Rashford iy Greenwood aya xilli ciyaareedkan wacdaro dhigay hawadana ka qariyay xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool.

Xiddigaha Man United ayaa dhexdooda dhaliyay 55 gool iyada oo Martial dhaliyay 20 gool, Rashford dhaliyay 20 Greenwood-na dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Liverpool weerarka uga ciyaara ayaa dhexdooda dhaliyay 51 gool iyada oo Salah dhaliyay 21, Mane dhaliyay 19 halka uu Firmino dhaliyay 11 gool tartamada oo dhan.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*