Liverpool Mise Man City? Mohamed Salah Oo Kashifay Kooxda U Qalanta Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dabka ku shiday tartanka horyaalka premier League isaga oo haatanba sheegay in ay Liverpool u qalanto ku guulaysiga horyaalka ka hor kulanka Man City ee Premier League.

Kooxaha Man City iyo Liverpool aya si weyn ugu dagaalamay horyaalka premier League labadii sano ee ugu dambaysay.

Labada kooxood oo si weyn u xafiiltamayay sanadihii ugu dambeeyay ayaa isaga hor iman doona Etihad Axada kulan adag oo ka tirsan premier League.

Isaga oo la hadlaya beIN Sports ayaa yidhi”Aniga fikir ahaantayda, haa, kooxda Liverpool ayaa ah kooxda u qalanta ku guulaysiga horyaalka premier League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*