Liverpool Mise Man City? Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in kooxdiisii ​​hore ay ku garaaci karto Manchester City tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay inay inta badan ku xirnaan doonto heerarka taam ee daafaca Virgil van Dijk.

Van Dijk ayaa Ka dhaawacmay jilibka waxana uu seegay xilli ciyaareedkii 2020/2021 taas oo keentay in ay Liverpool si weyn u dhibaatooto isla markaas 17 dhibcood ka dambayso kooxda Man City oo ku guulaystay horyaalka premier League.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa ku soo laabtay kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore waxana uu ka caawiyay in ay ku dhamaysataan kaalinta 2-aad isla markaas ku guulaystaan 2 koob sidoo kald 3 final gaadheen.

Carragher ayaa sheegay in hadii Van Dijk uu taam ahaado, waxa ay Liverpool ku guulaysan kartaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Marka uu Van Dijk taam yahay isla markaas qaab ciyaareed fiican ku jiro, Liverpool waxa ay dhaaftaa 90 dhibcood xilli ciyaareedkii hore ayaana ugu dambeeyay”.

“Aniga ahaan hadii uu Van Dijk taam u ahaado Liverpool waxa aan saadaalinayaa in ay liverpool ku guulaysato horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*