Liverpool Mise Chelsea? Joe Cole Oo Saadaaliyay Final-ka FA Cup-ka.

Joe Cole ayaa saadaaliyay in ay chelsea ka aarsan doonto Liverpool kuna garaaci doonto Final-ka kooba FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona final-ka FA Cup-ka maanta oo Sabti ah kulan ka dhici doona garoonka Wembley Stadium.

Blues ayaa haatanba ku guulaystay 2 koob xilli ciyaareedkan iyaga oo ku guulaystay koobabka UEFA Super Cup & Club World Cup.

Laakiin waxa ay ku fashilmeen kulankii League cup-ka oo ay u waayeen kooxda Liverpool kaas oo ku dhamaaday rikoodhayaal.

Joe Cole oo labada kooxoodba u soo ciyaaray ayaa saadaaliyay in ay Blues garaaci doonto Liverpool kulanka FA Cup-ka ee maanta.

“Waxa Aan saadaalinayaa in ay chelsea kuq aadi doonto 1/0 sababta oo ah kulanku waxa uu noqon doonaa mid adag oo aan goolal badan la kala dhalin doonin”ayuu Cole yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*