Liverpool Mise Chelsea? Glen Johnson Oo Saadaaliyay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Labadiisii Kooxood Ee Hore.

Glen Johnson aaminsan in Chelsea ay tahay kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League, Kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Southampton.

Blues ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay guul 3/1 ah ka gaadheen kooxda Southampton kana soo kabsadeen guuldaro 1/0 ah oo ay kala kulantay Man City todobaadkii hore.

Johnson oo u soo wada ciyaaray kooxaha Liverpool iyo chelsea ayaa sheegay in kaydka fiican ee ay chelsea haysato ay ka caawin doonto ku guulaysiga horyaalka.

Isagoo si gaar ah ula hadlaya Mirror ayaa yidhi”Haddii aan si daacadnimo ah u hadalo, waxaan u malaynayaa in Chelsea ay u badan tahay inaan ugu cadcad ku guulaysiga horyaalka, waxaan u malaynayaa in ay haystaan fursado ka badan Liverpool sabab la xidhiidha kaydka ay haystaan”.

“Waxan u malaynayaa in ay farqi tahay sida ay chelsea u ciyaarto kulamadooda, cid walba guuldaro way kala kulmi kartaa Man City laakiin si fiican ayay u ciyaareen”.

“Waxa ay yihiin koox halis ku ah koox kasta oo premier League ah sabab la xidhiidha kooxda ay haystaan, waxa ay sameeyeen saxiixyo fiican, waxan u malaynayaa in ay kooxdu u socoto wadada saxda ah”.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*