Liverpool Mise Arsenal? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Badan Doonta & Natiijada Ay Ku Badin Doonto Kulanka Semi-Final-ka Carabao cup-ka.

Michael Owen oo seddex jeer ku guuleystay Carabao cup-ka ayaa ku taageeray Liverpool inay gaarto finalka tartanka xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa la ciyaari doonta Arsenal caawa kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka kadib markii uu kulankii hore ku soo dhamaaday bar-baro 0/0 ah.

Liverpool ayaa ku fashilantay in ay dhaafto 10 xiddig oo Arsenal ah khamiistii hore waxana ay u baahanyihiin guul si ay u gaadhaan Final-ka tartanka Carabao cup-ka.

Arsenal waxa ka maqnaan doona xiddiga Granit Xhaka kaas oo kaadhka cas qaatay kulankii Lugtii hore iyada oo kooxda Mikel Arteta ka maqnaan doonaa ugu yaraan 11 xiddig  sababo kala duwan darteed.

Isagoo la hadlayay Bet Victor, Owen ayaa saadaaliyay in ay kooxdiisii hore 2/1 ku badin doonto kulanka iskana xaadirin doonto final-ka tartanka.

“Waa inaan qiraa, waxaan la dhacay qaab ciyaareedka Arsenal usbuucii hore,” Owen ayaa sidaas yidhi.

“In aad ku ciyaarto 10 xiddig waliba aad si fiican u ciyaarta una ilaashato goolkaaga waa shaqo fiican”.

Owen ayaa aaminsan in kooxda Klopp ay dhiiri galin ka qaadan karto natiijadii kulankii Brentford ee premier League “Liverpool waxay wacdaro ku dhigtay Brentford, waxa ay ahayd in ay dhaliyaan goolal intaas ka badan”.

“Waxay ila tahay in Arsenal ay kubbado badan haysan doonto, laakiin Liverpool waxay dhibaato badan ku keeni doontaa weerarka rogaal celiska waxana ay ku badin doontaa 2/1″ayuu sii raaciyay