Liverpool, Man Utd mise Chelsea? Paul Merson Oo saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka.

 

Paul Merson ayaa saadaaliyay cidda ku guuleysan doonta hanashada Premier League xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Manchester United ay rajeynayaan in ay soo qabtaan kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa awood ku maamushay Premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay 31 gool 37 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan iyaga oo 18 dhibcood ka horaysa kooxda kaalinta 2-aad iyaga oo ku guulaystay horyaalka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano.

Man City oo u tartamaysay ku guulaysiga horyaalka markii 3-aad oo xidhiidh ah ayaa rajaynaysa in ay xilli ciyaareedka dambe u tartanto horyaalka xilli ay kooxaha Man United iyo Chelsea ay doonayaan in ay ku tartamaan horyaalka sidoo kale.

Man United oo qaab fiican ku jirta tan ilaa January markii ay la soo saxiixdeen Bruno Fernandes hlka ay chelsea ku jirto xilli ciyaareed fiican waliba saxiixyo cusub sida Timo Werner iyo Hakim Ziyech yimaadeen kooxda.

Inkasta oo ay man City is xoojin doonto sidoo kale United iyo chelsea la filayo in ay horumar sameeyaan Hadana Merson ayaa saadaaliyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Halyeeyga kooxda Arsenal ayaa u sheegay StarSport”waan yaabi doona hadii ayna Liverpool ku guulaysan horyaalka xilli ciyaareedka dambe”.

“Man City waa koox cajiib ah waxana ay garaaci kartaa cid walba maalintooda, laakiin Liverpool ayaa ah koox joogto si fiican u ciyaartawaxana ay xitaa badin karaan kulamada marka ayna si fiican u ciyaarayn, City ayaan awood u lahayn in ay sidaas samayso sababta oo ah daafacoodu ma ahan kuwo fiican”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadista Ra’iisal Wasaaraah Dowladiisa Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*