Liverpool Ma Ka Dhamaadeen Suuqa Xagaaga , Tababare Klopp Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa ka hadlay xaaladda goolhaye ee Alisson Becker ee kulanka beri ay la ciyaarayaan Fulham

Kulankaas ayaa noqonaya midkooda ugu horeeyay horyaalka kaasi oo caawa bilaabanaya waxa uuna ka dhacaya garoonka Fulham oo xilli ciyaareedkaan u soo dallacday horyaalka

“Allison waa uu wacan yahay , sidoo kale Curtis Jones , kaliya wax yar wel wel ah ayaa jiray balse waa laga talaabsaday” ayuu Klopp ka yiri kulan wareed.

“Waan qiimeynay balse waxaa qasab ah in foojignaan ay jirto sidaa darteed Curtis Jones kulankaan ma ciyaarayo”.

” Naby Keïta waa xanuunsanaa isna waan qiimeyneynaa balse Tsimikas todobaadka dambe ayuu soo labanayaa halka -Chamberlain uu muddo maqnaanayo”.

Kooxda waxaa ka maqan oo barnaamij daweyn ah ku jira Jota kaasi oo xagaagii dhaawacmay.

Macalinka oo wax laga weydiiyay in kooxda ay suuqa galeyso sababo la xariira dhaawacyada ay wajaheyso waxa uu macalinka yiri ” Suuqa waa furan yahay aan aragno waxa dhaca “.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*