Liverpool Iyo Napoli Oo Ka Wadahadalya Saxiixa Xiddig

Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Liverpool kala hadasho saxiixa Federico Chiesa kaas oo ay amaah ku doonayso.

Garabka reer Talyaani ayaa ku dhibtoonayay inuu saameyn ku yeesho Anfield tan iyo markii uu kaga soo biiray Juventus xagaagii.

Foot Mercato ayaa sheegtay in Napoli ay durba wadahadalo la furtay wakiilka Chiesa si ay heshiiska shaqsiga ah ula gaadhaan xiddiga.

Chiesa ayaa la sheegay in uu doonayo in uu ku laabto Italy laakiin mushaharkiisa ayaa loo arkaa dhibaato.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa la kulantay wakiilka Chiesa waxayna ku heshiiyeen inay amaah ku fasaxaan iyadoo ujeedadu tahay inay ku laabato England xilli ciyaareedka soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga