
Liverpool iyo tababare Jurgen Klopp ayaa gaaray labo guul oo cajiib ah ka dib markii ay u soo baxeen finalka Champions League.
Liverpool ayaa sedex iyo laba waxa ay kaga badiyeen Villa Real ka dib ciyaar soo laabasho leh .
Waxa ay haatan sugayaan cidda soo baxda Real iyo Man City xilli kooxda reer Ingiriis ay soo badisay kulankii hore .
Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horeeysay ee Ingiriis ah oo u soo baxda finalka Champion-ka , FA Cup-ka iyo EFL Cup-ka hal xilli ciyaareed gudaheed.
Macalin Klopp ayaa noqday macalinkii ugu horeeyay ee guushaas ka soo hoyiyay kubadda cagta Ingiriiska