Liverpool Iyo Arsenal Oo Ku Loolanaya Xiddig Boosas Kala Duwan Ka Ciyaara , Seria A-da Ayuu Joogaa

Arsenal iyo Liverpool ayaa ku biiray loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Juventus ee Dejan Kulusevski

Laacibkaas 21 sano jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii hore u saftay kooxdaas 47 kulan dhamaan tartamada xilli uu dhaliyay 7 gool halka 7 kalana uu sameeyay

Kulusevski ayaa hishiiskiisa Juve waxaa ka harsan 4 sano  balse Tutto Juve waxa ay xaqiijineysaa in wiilkaan reer Sweden uu xiiso ka haysto kooxahaas ka dhisan ingriiska

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Juve u muuqdaan kuwo aan diyaar u aheyn in ay fasaxaan laacibkaas kaasi oo ay January 2020 ka yimid kooxda Atlatan BC

Dejan Kulusevski  ayaa loo adeegsan karaa boosas kala duwan sida dhexe weerar, weeraryahan buuxa ama garab bidix weerar , lamana helin qiimaha ay ku doonayeen labadaas koox

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*