Liverpool & Bayern Munich Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ka Heshiiyeen Saxiixa Thiago Alcantara

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay ka heshiiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara Sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Liverpool ogolaatay in ay bixiso lacagta ay Bayern Munich dalabanayso ee 26-ka Milyan ah si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Reds ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara kaas oo ogolaaday in uu heshiis 4 sano ah u saxiixo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga 28 jirka ah noqdo saxiixa 2-aad ee kooxda Lverpool ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Thiago Alcantara ayaa kooxdiisa Bayern Munich u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kadib markii ay heshiis cusub u soo bandhigeen.

Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Lagu Eedeeyay Dhibaatadii Xalay Ka Dhacday Xasbiga Dhexe Ee Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*