Liverpool, Arsenal Mise Tottenham? Glen Johnson Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Dhamaysan Doonta 4-ta Boos Ee Ugu Saraysa Premier League.

Glen Johnson ayaa aaminsan in Arsenal iyo Tottenham ay ka bixi doonaan afarta sare ee tartanka premier League hadii ay Liverpool qaab ciyaareedkeedii fiicnaa dib u hesho iyada oo 3 bilood ka dhimanyahay dhamaadka xilli ciyaareeka.

Ciyaaryahankii hore ee kubada cagta ayaa ku taageeray kooxda Jurgen Klopp inay dib u helaan qaab ciyaareedkoodii fiicnaa kuna dhamaystaan boosaska loogu soo boxo champions League.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa xilli ciyaareedkan si fiican ku bilowday waxayna haatan ku jiraan saddexda kooxood ee ugu sareysa horyaalka premier League.

“Miyay Liverpool halis ugu jirtaa in ay seegto 4-ta boos ee ugu saraysa? Kooxaha ugu la yaabka badan waa Tottenham iyo Arsenal, uma malaynayo in ay jiraan cid aaminsanayd in ay Tottenham sidan u fiicnaan doonto Liverpool haatan kuma jirto 4-ta boos ee ugu saraysa”.

“Hadii ay Liverpool ku dhawdahay Tottenham iyo Arsenal iyada oo 3 bilood ka dhimantahay xilli ciyaareedka waxa aan u malaynayaa in ay midkood booska kala bixi doonto Arsenal ama Tottenham”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*