LIVE Update: Si Toos Ah Ula Soco Heshiisyada Dhaca Maanta & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Maanta waa 1 bisha Febraury waana maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxuhu wakhti tartan ugu jiraan sidii ay u samayn ahaayeen saxiixyo dhamaystiran:

Goorma Ayay xidhmi doonaan suuqyada horyaalada kala duwan ee ugu waaweyn qaarada yurub:

7:00 Suuqa Germany Iyo France si Rasmi Ah Ayuu U Xidhmay

10:00 Wakhtiga Somaliya waxa xidhmi doona suuqa Itly.

12:59: Habeenimo wakhtiga Somaliya waxa xidhmi doona suuqa Spain.

2:00 Habeenimo wakhtiga Somaliya waxa xidhmi doona suuqa England.

08:19 Sami Khedira Oo Ku Biiray Hertha Berlin:

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany Sami Khedira ayaa ku biiray kooxda Hertha Berlin kaas oo si xor ah ugu biiray kadib markii uu Kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda Juventus.

7:56 Ozan Kabak Oo Ku Biiraya Liverpool.

Kooxda iverpool ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ozan Kabak kaas oo noqday xiddig Liverpool ah.

Liverpool ayaa kooxda Schalke kala heshiisay saxiixa daafaca dhexe ee Ozan Kabak kaas oo ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Reds.

02:24 Arsenal Oo Ugu Dambayn Ka Taqalusaysa Shkodran Mustafi:

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn ka taqalusaysa xiddiga Shkodran Mustafi kaas oo ku wajahan kooxda Schalke kadib sanado badan oo uu ku qaatay Gunners.

Kooxda Schalke ayaa la wareegi doonta saxiixa daafaca Shkodran Mustafi si ay Liverpool uga iibiso xiddiga Ozan Kabak

02:14 Edin Dzeko Oo Ku Wajahan Premier League:

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xidhiidhay Wakiilka Edin Dzeko si ay u hesho saxiixa xiddiga saacadaha ugu dambeeya suuqa January.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Man United la xidhiidhay si ay u hesho xiddigii hore ee kooxda Man City.

01:30 Ozan Kabak Oo Ku Dhaw Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa wakhtiga tartan ugu jirta si ay u dhamaystirto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Schalke ee Ozan Kabak iyaga oo wadahalo kula jira.

Liverpool ayaa diyaarisay tijaabada caafimaadka iyada oo uu xiddiga 20 jirka ah Germany ku mari doono tijaabada caafimaadka hadii ay labada kooxood ka heshiiyaan saxiixa.

Laakiin Kooxda Schalke ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay hesho badalkiisa mana doonayso in ay fasaxdo Ozan Kabak ilaa ay badalkiisa hesho.

Suuqa Germany ayaa xidhmi doona 7:00 wakhtiga geeska Africa iyo 5:00 wakhtiga Germany sidaas darteed Liverpool ayaa wakhtiga tartan kula jirta si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

11:11: Ben Davies: Oo Liverpool Tijaabada Caafimaadka U Maraya Liverpool:

Daafaca Ben Davies ayaa Haatan tijaabada caafimaadka u maraya Kooxda Liverpool si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Liverpool.

11:11 Duje Caleta-Car: Heshiiska Oo Ka Bur-Buray Liverpool:

Heshiis ay kooxda Liverpool ku doonaysay saxiixa daafaca kooxda Marseille ee Duje Caleta-Car ayaa bur-buray kadib markii ay kooxdu wayday badalkiisa.

Wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga 24 jirka ah xitaa aaday madaarka si uu ugu duulo England laakiin Marseille ayaa xiddiga joojisay kadib markii ay wayday Badalkiisa.

10:16: Christian Eriksen Oo Ku Soo Laaban Kara Tottenham:

Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ayaa ku soo laaban kara kooxda Tottenham maalinta ugu dambaysa ee suuqa January xilli uu Jose Mourinho ku dhibaatoonayo booska No.10 oo uuna kooxda ku haysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*