Lionel Messi: Wali Waan La Qabsanaayaa PSG, Halkan Arin Darteedna Waan Ku Faraxsanahay.

Lionel Messi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa Paris Saint-Germain ka gaartay dhiggiisa Manchester City iyo goolkiisii ugu horeeyay ee kooxdiisa cusub.

Messi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda PSG kulankii ay Kooxdiisu guusha 2/0 ah ka gaadhay Man City kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League.

Leo Messi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan wajahnay koox adag oo weyn, waxa muhiim noo ahayd in aan badino kadib bar-barihii kulankii hore”.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan dhaliyay goolkayii ugu horeeyay ee kooxda PSG, kulamadii uu dambeeyay maan ciyaarin sabab la xidhiidha dhaawac kulankan ayaa ah midkaygii 2-aad ee garoonka PSG”.

“Wali waxa aan la qabsanayaa qaab ciyaareedka kooxdayda cusub waxana aaan xidhiidh fiican la yeelanayaa xiddigaha kooxda waxana aan isku dayi doonaa in aan sii wadno qaab ciyaareedka iyo horumarka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*