Lionel Messi Oo Taariikh Ka Sameeyay Kubada Cagta South America

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku qoray taariikhda kubada cagta South America kadib markii uu guul ku hogaamiyay xulkiisa kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Xulka Argentine ayaa garaacday xulka Uruguay kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada South America xilli uu Lionel Messi dhaliyay gool ka mid ah goolasha xulka qarankiisa.

Kadib goolkaas Lionel Messi ayaa isku qoray taariikhda kubada cagta South America kadib markii uu dhaliyay goolka 1-aad ee xulka qarankiisa kaas oo dhaliyay daqiiqadii 37-aad ee qaybta hore.

Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee reer South America ee dhaliya 80 gool oo kulamada caalamiga ah kadib markii uu guul 3/0 ah ku hogaamiyay xulkiisa.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*