Lionel Messi Oo Suarez & Benzema Kaga Fiican Rikoodh Cajiib Ah Sanadka 2021.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xiddigaha kale ee Luis Suarez iyo Karim Benzema kaga fiicanyahay rikoodh cajiib ah ilaa haatan sanadka cusub ee 2021.

Shabakada xogta uruurisa ee Squawka ayaa sheegtay in uu Lionel Messi xiddigaha kale ee ay ka wada ciyaaraan horyaalka La Liga kaga fiicanyahay rikoodh cajiib ah ilaa haatan sanadka 2021.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona u dhaliyay 16 gool ilaa haatan sanadka 2021 isaga oo ah xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka La Liga ilaa haatan.

Messi ayaa ka fiican labada xiddig ee ugu soo dhaw oo ah Karim Benzema iyo Suare kuwaas oo aan goolal badan dhalin ilaa haatan sanadka 2021 ee horyaalka La Liga.

Xiddiga Luis Saurez ayaa dhaliyay 11 gool oo horyaalka La Liga sanadka 2021 halka uu Karim Benzema dhaliyay 9 gool ilaa haatan sanadka 2021.

Halkan Kaga Bogo xiddigaha ugu goolasha badan sanadka 2021.

Lionel  Messi (Barcelona) 16

Luis Suarez (Atletico Madrid) 11

Youssef En-Nesyri (Sevilla) 10

Karim Benzema (Real Madrid) 9

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*