Lionel Messi Oo Sharaxay Farqiga U Dhexeeya Messi-Mbappe-Neymar & Saddexleydii Barcelona Ee MSN

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay xiddigaha Messi-Mbappe-Neymar iyo Xiddigihii weerarka uga ciyaarayay Barcelona ee MSN.

Messi ayaa dhawaan waraysi siiyay wargayska France football waxana uu sharaxay farqiga u dhexeeya ka garab ciyaarista Neymar iyo Kylain Mbappe iyo Messi, Suarez iyo Neymar markii uu joogay Barcelona.

“Ugu horayn da’da, wakhtigaas waxa aan ahayn da’ yar markii aan bilownay in aan iska garab ciyaarno Neymar”.

“Haatan, Hal xiddig ayaa da’yar ah waana Kylia, Kylian iyo Luis way kala duwanyihiin, Luis waa weeraryahan toos ah, kuna fiican goolka isla markaas dhaliyay goolal badan”.

“Kylian waxa uu jecelyahay in uu kubada haysto, waa xiddig da’yar ah oo xoogan waliba ku dilaya hadii uu boos kygu helo hadii aad boos u banayso”.

“Labada xiddigba waa kuwo cajiib ah laakiin waxa ay leeyihiin tayo kala duwan”.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*