Lionel Messi Oo Shaki Weyn Ku Tuuray Mustaqbalkiisa Barcelona, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday Heshiis cusub oo ay kooxdiisu u soo bandhigto si ay kooxda ugu sii hayaan xiddiga reer Argentine.

Kooxda Barcelona ayaa wakhtigii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay in ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato kabtankeeda si ay muddo dheer ugu sii hayso kooxda.

Lionel Messi ayaa la sheegayaa in uu si xor ah uga tagi karo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedka hadii uu doono arintaas laakiin Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga ugu fiican adduunka sanadkii 2019.

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Lionel Messi iska diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay Barcelona ugu soo bandhigtay heshiiska cusub.

Inkasta oo uuna wargaysku shaacin heshiiskii ay Barcelona u soo bandhigtay xiddiga laakiin waxa uu sheegay in uu kabtanka reer Argentine iska diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay kooxdu u soo bandhigtay.

Advertisements

Warkan ayaa heegan galinaya kooxaha PSG, Man City, Inter Milan iyo Juventus oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga 32 jirka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*