Lionel Messi Oo Sabab U Noqon Kara In Ay Barcelona Ku Qasbanaato In Ay Iibiso Midkood Coutinho & Griezmann Suuqa January.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa January iska iibin doonto xiddigo waaweyn oo kooxda.

Xilli ay kooxdu ku jirto wakhti adag oo dhanka dhaqaalaha ah Barcelona ayaa u baahan in ay iska iibiso xiddig muhiim ah marka la gaadho suuqa January.

El Chiringuito ayaa sheegaya in ay wax walba ku xidhnaan doonaan qorshaha xiddiga kabtanka u ah kooxda ee Lionel Messi.

Hadii uu Messi ogolaado in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona ayaa iibin doonta in ay midkood iibiso xiddigaha Antoine Griezmann & Philippe Coutinho.

Inkasta oo ay diidantahay in ay iska iibiso labada xiddig hadana Maamulka Barcelona ayaa ku qasbanaan doona in ay badalaan go’aankaas hadii uu uu Messi ogolaado in uu sii joogo kooxda.

Hadii uu Messi ka tago kooxda Waxa ay heli doontaa lacag dhan 50 milyan oo euro oo ah lacagta ay ku iibin doonto suuqa Janaury.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*