Lionel Messi Oo Rikoodh Taariikhi Ah Ka Dhigay La Liga.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhigay rikoodh cusub oo Barcelona ah kadib markii uu dhaafay rikoodhkii Xavi haatana noqday xiddiga caawinta ugu badan sameeyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedka kaliya.

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi ayaa haystay rikoodhka tan ilaa 2008/2009 markaas oo uu sameeyay 20 caawin xilli ciyaareed kaliya.

Messi ayaa rikoodhkaas bad-bareeyay kulankii ay Barcelona 1/0 uga badisay Real Valladolis todobaadkii hore kadib markii uu caawiye ka noqday goolkii Arturo Vidal.

Haatan xiddiga reer Argentine ayaa jabiyay rikoodhkii Xavi ee caawinta isaga oo caawiye ka noqday goolkii uu Ansu Fati ka dhaliyay kooxda Alaves.

Lionel Messi ayaa haatan noqday xiddiga ugu caawinta badan xilli ciyaareedka kaliya ee La Liga isaga oo caawiye ka noqday 21 gool xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Nin Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho & Dadka Oo Dumar U Badnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*